Madaafiic xoogan oo lagu garaacay Magaalada Marka ee Gobolka Sh.Hoose

0
204

Marka (INO)—Wararka laga helayo Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh.Hoose ayaa sheegaya in Xalay Xoogaga AMISOM ay madaafiic xoogan ku garaaceen qeybo ka mid ah Magaalada Marka.

Madaafiicdan ayaa waxey ku hoobteen Xaafado ku yaalla Magaalada Marka, oo qiyaas ahaan 100Km dhanka koonfureed kaga beegan Magaalada Muqdisho.

Goobjooge la hadlay Warbaahinta  ayaa waxuu sheegay in Xalay ay maqlayeen dhawaqa madaafiic culus oo lagu garaacayay qeybo ka mid ah Magaalada Marka.

Weli lama shaacin sababta ka dambeysa in Xoogaga AMISOM ay hoobiyeyaal u qeybiyaan Xaafadaha Magaalada Marka.

Ilaa iyo hada si dhab ah looma oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay Duqeytaasi.