Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa shaaca ka qaaday in maamulkiisa uu ciidamo gaara u diraayo Gobolka Shabeellaha Hoose.
Hoggaamiye Shariif ayaa sheegay in maamulka uu wado abaabulka ciidamada loo diri lahaa Gobolka, waxa uuna cadeeyay in ciidamadaasi ay la dagaalami doonaan al-Shabaab.
Shariif Xasan ayaa sheegay in Gobolka Shabeellaha Hoose ay geynayaan Askar uu tiradooda ku sheegay 2,500, kuwaa oo si gaara uga howlgali doona Gobolka, sida uu hadalka u dhigay.
Afhayeenka Madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed Nuuradiin ‘’Gacma’’, oo isna la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qeybaha ugu danbeeya uu maraayo Abaabulka.
Gacma, wuxuu sheegay ciidamadan degaanka ah marka la diyaariyo in ay la wareegi doonaan ammaanka goobaha ay qabsadaan ciidanka Millitariga iyo kuwa Kummaandooska ah, sida uu qorshuhu yahay.
Sidoo kale, ciidamadan ayaa loo dhameystiri doonaa dhammaan agabkooda dagaal, sida Hubka, Gaadiidka iyo agabka intiisa kale, si ay Shabaab ula dagaalamaan, ugana saaraan degaanada iyo degmooyinka Gobolka Shabeellaha Hoose.
Arrintaan ayaa kusoo beegmeysa xili maamulka Koonfur Galbeed uu qeyla dhaan kasoo saaray Qaraxyada iyo weerarada ay al-Shabaabka ku qaadan Xarumaha maamulka.