Madaxweyne kuxigeenka Maamulka lixda gobol ee Koonfur Galbeed Somaliya ee Madoobe Nuunoow hogaamiyo isla markaana madaxweyne ku xigeen ka ah md Maxamuud Sayid Adan ayaa waxa uu ka hadlay qorshaha maamulkooda iyo sida uu ku shaqeynayo maadama maamul lagu mucaaradayo Baydhabo ka dhismay iyo dawlada oo weli wax aqoonsi ah siin. Md Maxamuud Sayid Adan ayaa sheegay inaysan wax saameyn ah ku yeelan doonin maamulka seddexda gobol ee ka aas aasmay Baydhabo isagoo sheegay inay wadaan qorshe ay kula kulmayaan dawlada Somaliya. Isagoo ka jawaabay su’aal wariyaha uu weydiiyey Maxamuud Sayid Adan oo ahayd maadama dawlada ay aqoonsatay maamulka KMG Jubba ayuu ku sheegay inay xitaa gobolka Jubada Dhexe gacantooda ku jirin ayna ka rajeynayaan in dawlada ay maamulkooda lixda gobol aqoonsato. Idale News Online, Baydhabo