Maxamed Cabdi Waare ayaa magaalada Jowhar kula kulmay Saraakiil ka socotay Qaramada Midoobey oo maalintii shalay booqasho ku yimid.
Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiro iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle iyo madax ka socotay Xafiiska Qaramada Midoobey ee u qaabilsan deegaanada Hirshabeelle.
Madaxweyne Waare iyo Saraakiisha Qaramada Midoobey ayaa ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin wax ka qabashada baahiyaha ka jira Hirshabeelle, gaar ahaan abaaraha, horumarinta bulshada iyo dib u dhiska hey’adaha maamulka Hirshabeelle.
Madaxweyna Waare ayaa sheegay in maamulkiisa uu ku dadaalayo sidii loo xoojin lahaa xiriirka kala dhexeeya hey’adaha Qaramada Midoobay, waxaana uu ka dalbaday in ay kala shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa Maamulka, islamarkaana looga jawaabi lahaa baahiyaha Deg-dega ee soo food saara Bulshada Hirshabelle, waxaana uu ka dalbaday in looga fadhiyo in ay ka jawaabaan Abaarta ka jirta deegaannada Hirshabelle islamarkaana ay caawiyaan dadka ay saameysay abaarta oo ay ugu darantahay Biyo la’aanta..
Sidoo kale Madaxweyne Waare ayaa hoosta ka xariiqay in muhiim ay tahay in bulshada loo bandhigo waxqabad muuqda oo ay ku qanci karaan, taasina looga baahan yahay in UN-ka uu ka shaqeeyo fulinta mashaariicyo horumarineed oo ay u soo gudbin doonto Hirshabelle, waxaana ay balanqaadeen saraakiisha fulinta waxyaabaha uu ka hadlay Madaxweynaha.
Kulankan ayaa qeyb ka dadaalada Madaxweynaha Hirshabelle uu ku doonayo horumarinta Dowlad goboleedka Hirshabelle, iyadoo mudada uu joogo madaxweynaha la qabtay howla badan oo muhiim u ah Heykalka Dowladnimo ayna bilowdeen Mashaariicyo horumarineed taasi oo ay soo dhoweeyeen Bulshada.