Maamulka gobolka Shabeellada dhexe oo Maanta Mamuucay Indho-shareerka iyo Moto Bajaaj-ka

0
197

Jowhar(INO) — Maamulka gobolka Shabeellada dhexe ayaa maanta ka mamnuucay haweenka inay xirtaan indho-shareerka iyo inaysan degmadaas ku dhex-socon karin xilliyada habeenkii ah moobooyinka Bajaajka ee saddexda lugood leh.

Mas’uuliyiinta maamulka ayaa ku macneeyay tallaabadan inay tahay inay dhici karto inay kusoo dhex-dhuuntaan rag doonaya inay falal amni-darro ka fuliyaan gudaha magaalada Jowhar iyo deegaannada ku dhow-dhow.

Agaasimaha warfaafinta maamulka gobolka Shabeellada Dhexe, C/kariin Cumar Macallin ayaa sheegay in laga billaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 25-ka December, 2015-ka laga mamnuucay haweenka inay indhaha-shareerka ku dhex-maraan gudaha degmada Jowhar.

“Si amniga degmada Jowhar loo adkeeyo, maadaama dhawaan uu ka furmi doono shirka lagu dhisayo maamulka gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe; maamulku wuxuu ku gaaray go’aan in haweenku aysan xiran karin indho-shareer iyo in mootooyinka loo yaqaan Bajaajta aysan marka la gaaro habeenkii aysan dhex-mari karin magaalada,” ayuu C/kariin Cumar yiri.

Dhanka kale, amniga degmada Jowhar ayaa la adkeeyay iyadoo lagu wado in degmadaas uu dhawaan ka furmo shirka dhismaha maamulka Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan, kaasoo la sheegay in toddobaadyada soo socda uu furmi doono.

Ugu dambeyn, tallaabadan ayaan ahayn tii ugu horreysay haweenka Jowhar ku nool looga mamnuuco inay xirtaan indho-shareerka; iyadoo horay uu uga mamnuucay haweenka inay xirtaan indho-shareerka guddoomiyihii hore gobolka Shabeellada Dhexe Maxamed dheere.

Idale News Online, Jowhar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here