Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose oo Dagaalyahanada Xarakada Shabaab ugu Baaqay in ay Isaga soo baxaan Kooxdaas kuna soo Biiraan Dawladda

0
225

Guddoomiyaha maamulka dawladda federaalka Soomaaliya ee Gobolka Shabeelaha Hoose Cabdulqaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa ka war bixiyay xaaladda ammaan ee xiligan ka jirta guud ahaan Gobolka Shabeelaha Hoose.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in xaaladda ammaanka ee gobolku ay tahay mid maalinba maalinta ka danbeysa ka soo hagaagaysa sidii hore isagoona intaa raaciyay in maalmihii u danbeeyay ay jireen dhallinyaro fara badan ooh ore uga tirsanaa xarakada Shabaab oo isu soo dhiibay Ciidamada dawladda iyo kuwa amisom eek u sugan Gobolkaas.

Siidii ayaa xusay in maalmihii ugu danbeeyay  ay isa soo dhiibeen haatana gacanta laguhayo illaa siddeed iyo Toban dhallinyara ah kuwaas oo uu sheegay in ay ka faa’ideysteen Cafis hore loogu fidiyay.

Cabdulqaadir Sidii oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay in uu bilaabnayo xilli Jiilaah ah waa siduu hadalka u dhigaye isla markaana ay Gureen ama ay Guri doonaan Warahaay Biyuhu ku jiraan sidaa darteedna ay adkaan doonto Nolosha Dhulka hawdka ah.

Guddoomiyaha  ayaa uga digay dhallinyarada ka tirsan Shabaabka ee Hawdka ku jirta in naftoodu aanay halis gelin isla markaana ay ka soo tagaan Dhulka hawdka ah oo ay ku jiraan isagoo mar kalena sheegay in maamulka Gobolka uu cafis u fidiyay isla markaana aysan jiri doonin cid wax u raacanaysa.

Cabdulqaadir Siidii ayaa hoosta ka xarriiqay inuu jeclaan lahaa inuu arko dhallinyaradaas oo mar kale dib ula midowda qoysaskooda isla markaana qayb ka ahaada Bulshada Soomaaliyeed.

Siidii ayaa ugu yeeray dhallinyaradaas kii qori haysta inuu qorigiisa la soo galo, kii bastoolad ama Bambada gacanta haysatana ay dhamaan la soo galaan Hubkooda iyadoo aan wax dhibaata ah loo gaysanayn.

Cabdulqaadir Siidii Guddoomiyaha Gobolka ayaa intaa sii raaciyay in haddii arrintaa ay u cuntami weydo Ragga weli ku harsan Dhulka hawdka ah in ay meeshooda ugu tegi doonaan isla markaana ay dagaal ku qaadayaan.

Si kastaba hadaladan ka soo yeera mar walba maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ayaan waxaan ka jawaabin oo waba ka oran Maamulka xarakada Shabaab oo qudhooda ku hanjaba in ay dib ula wareegayaan degaanadii hore looga qabsaday.

Idale News Muqdisho