Baydhabo(INO)-Gudoomiye ku xigeenka dhanka Siyaasada Ee Maamulka Gobolka Bay Yoonis Aadan ayaa taagyeerey go’aankii dhawaan ka soo baxay wasaaaradaha arimaha gudaha iyo dowladaha Hoose iyo wasaaradda Amniga Ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaliya.
Yoonis Aadan ayaa sheegey in aan la qaban shirar lidi ku ah Amaanka Gobolka Bay isla markaana ogolaansho aan laga haysan wasaaradda arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxana uu xusey ciidii isku dayso inay sharer siyaasadeed wax u dhimaayo hanaanka nabada Gobolka Bay ay tilaabo adag oo waafugsan sharci ay ku qaadi doonaan.
“ Waxaan taagyeersan nahay Go’aan Gollaha Wasiirdda iyo Wasaaradda Arimaha Gudaha Ee KGS, cidii Dooneyso inay qabsato shir ugu horeyn waa in ay soo maraan Wasaarada iyo Maamulka Gobolka , cidii ku dhaqaaqda falal lidi ku ah amaanka Gobolku waxaan la tiigsaneyna Sharciga” ayuu yiri Yoonis Aadan.
Sidoo kale Yoonis Aadan, Gudoomiye Ku xigeenka dhanka Siyaasada Ee Maamulka Gobolka Bay ayaa tilmaamey in mar weliba ay haboon tahay in la dhowro kala dameynta iyo sharciga Dowliga ah Ee KG Soomaaliya.
“qof kasta wuxu doono iskama sameyn karo, waxaa jiro sharci iyo kala dambeyn, siyaasiyiinta waxaan u sheegeyna inay ilaaliyaan arintaasi, ma dooneyno in aan dadka caburino” ayuu mar kale yiri Gudoomiye Yoonis Aadan.
Ugu dambeyntii, waxa jiro Siyaasiyiin iyo waxgarad doonaya isla markaana ka soo jeedaan Degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya Kuna Sugan Gudaha Magaalada Baydhabo inay qabtaan kulumo lagu sheegey wadatashiyo ah isla markaana diirada ay ku saareyaan sidii Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliaya ay ugu bixi lahayd KMG –da sidoo kale doorasho cusubna ay ka dhacdo Magaalada Baydhabo taaso laga yaabo inay keento khilaaf Hor leh iyo weliba isbarbar yaac dhibaato bada.
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo