Maamulka gobolka Bay ayaa ku eedeeyay hay’adaha samafalka ee ka howgala gudah dalka soomaaliya inaysan sidii loogu talagalay mashaariicda iyo howlaha gargaarka uga fulinin magaalada Baydhabo janaay.
Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Baay Cismaan Macallin Cabdi ayaa sheegay in 50% boqolkiiba aysan hay’adaha samafalka wax ka qaban howlaha iyo mashaariicda horumarinta ee magaalada Baydhabo, isla markaana waxa uu tibaaxey in loo bahan in hufan u gutaan hawla ay u qabanahayaan bulshada ku dhan gobolka Bay.
Wuxuu sheegay inay dabagal ku sameyn doonaan hay’adaha, iyadoo ciddii lagu arko wax isdaba marin ay muteysan doonto ganaax, xarig iyo in lagala noqdo kalsoonida lagu siiyay inay ka howlgalaan magaalada Baydhabo.
Hadalka ka soo baxay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Baay ayaa ku soo beegmaya xilli maalmihii ugu dambeeyay ay magaalada Baydhbo ka socdeen mashaariic horumarinta la xiriira.
magaalada Baydhabo waxa ka hawgalaa dhoor NGO ah kuwaas oo ka soo qaataa hay’adah samafalka iyo kuwa muxsiniinta islaamiga ah mushaaric laga hormarinaayo gobolka kuwaasoo in badan lagu eedey marar badan in aan gudunahaynin hawshood sidii laga rabey.
Idale News Online, Xafiiska warqabadka KG soomaaliya, Baydhabo.