Maamulka Gobolka Banaadir oo ku dhawaaqay qorshayaal wax looga qabanayo Ammaanka Muqdisho

0
231

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa ku dhawaaqay qorshayaal wax looga qabanayo ammaanka Muqdisho, isagoo ugu baaqay shacabka inay iska celiyaan kooxaha amni darada wada.

Tarsan ayaa sheegay in maamulkiisa u qorsheysan tahay inuu dadka abaabulo, isla markaana la isugu xiro, Xaafad xaafad, waax iyo laan si la isaga warqabo, isla markaana ammaanka loo sugo.

“Waxaa noo qorsheysan inaan dadka abaabulno, inaan isku xirno, xaafad xaafad isaga war qabaan, laan kasta, tabeelo kasta iyo waax waax inay isugu xirnaadaan, ammaankana ay ka fikiraan waa iska celineynaa waana la dagaalameyna kuwo amni darada ka dambeeya”ayuu yiri Gudoomiye Tarsan.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in degmo kasta ay ka fikirto amnigeeda, isagoo xusay in qofka wax qarxinaya uu ka soo tooso guri degmo ku yaal, taasna loo baahan yahay in dadka deegaanka ay noqdaan indhihii wax arki lahaa ama dhagihii wax maqli lahaa, isla markaana hadii ay sheegaan wax weyn la qaban karo.

“Qofka wax qarxinaya guri ayuu ka soo toosaa oo degmo ku yaal, degmadii, ama deriskii waaxdii, laantii iyo tabeelihii hadii ay soo sheegaan wax weyn ayaa laga qaban karaa, waxaa laga yaabaa in baabuurka qaraxyada inay magaalada ku rakibaan”ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ku baaqay in la joojiyo waxa uu ugu yeeray buun buuninta ama waxyaabaha qaar ee ka dhacaya magaalada Muqdisho, taasoo uu xusay inay dan ugu jirto kooxaha dhibaatada ka dambeeya sida uu yiri.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa ka dhacayay magaalada Muqdisho qaraxyo iyo dilal qorsheysan, iyadoo Hey’adaha ammaanak dowladda iyo gudoomiyeyaasha degmooyinka oo kulamo yeelanayay ay ka hadlayeen sidii ammaanka wax looga qaban lahaa.

Idale News Muqdisho