iyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo socdaal ku joogay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa ku guuleystay inuu xaliyo khilaaf u dhaxeeyey Xildhibaannada Baarlamaanka ee kasoo jeeday gobollada Baay iyo Bakool ayadoo khilaafkaasina uu salka ku hayey maamulkii dhowaan ay Dowladdu u magacawday gobolka Baay.
Xalinta Khilaafaadkan ayaa ka dambeysay kadib kulammo xiriir ah oo uu Gudoomiyaha Baarlamaanka magaalada Baydhabo kula qaatay Xildhibaannada Baarlamaanka ee kasoo jeeda gobollada Baay iyo Bakool iyo sidoo kale Odayaasha Dhaqanka gobolladaasi waxaana kulammadaasi dheer kadib uu Gudoomiyaha Baarlamaanka ku guuleystay inuu mideeyo aragtayadii ay kala aaminsanaayeen Xildhibaannada.
Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay oo barqanimadii maanta ka dhacday Hotelka Bakiin ee magaalada Baydhabo ayaa waxaa lagu dhaariyey Mas’uuliyiinta maamulka cusub ee gobolka Baay iyo kan degmada Baydhabo sida Gudoomiyaha gobolka Baay Cabdi Aadan Heesoow, ku xigeennadiisa, duqa magaalada Baydhabo iyo ku xigeennadiisa waxaana munaasabadaasi kasoo qeybgalay dhammaanba malaaqyada digil iyo Mirifle,Xildhibaannada Digil iyo Mirifle,culumaa’udiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh CIsmaan Jawaari oo munaasabadda khudbad ka jeediyey ayaa ugu horeyn ku amray Xidlhibaannadii khilaafka uu ka dhaxeeyey iney si wadajir ah u raaligeliyaan Odayaal Dhaqameedkooda maadaama khilaafkoodii xal laga gaaray ayadoo arintaasina ay u hogaansameen dhammaanba Xildhibaannada waxaana uu markaasi kadib Gudoomiyaha Baarlamaanka ka digay khilaaf markale la abuurro.
Markii la dhaariyey kadib mas’uuliyiinta cusub ee maamulka gobolka Baay iyo kan degmada Baydhabo waxaa sidoo kale goobta ka hadlay xubno ka tirsan Odayaal dhaqameedka kuwaasi oo iyagu Alle ka baryey inuu guud ahaanba umadda Soomaaliyeed qalbiyadooda ka ilaaliyo khilaaf si uu usii socdo hormarka umadda ay hada hiigsaneyso.
Idale News Mogadishu