Maamulka degmada Wadajir oo dadweynaha degmadaasi uga mahadceliyay sida ay ammaanka ugala shaqeeyaan ciidamada

0
206

Maamulka dagmada Wadajir ayaa faah faahin ka bixiyay xaalada amni ee dagmadaasi,  iyadoo dhinaca kalana maamulku u mahadceliyay shacabka dagmadaasi oo uu sheegay in ay amaanka kala shaqeeyaan ciidamada.

Guddoomiyaha degmada Wadajir Axmed Xasan Caddoow Axmed Daaci oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ammaanka degmada Wadajir uu Wanaagsanyahay,  isagoo tilmaamay in taasi ay ku timid wadashaqeynta u shaxeysa ciidamada, maamulka iyo dadweynaha ku nool degmadaasi.

Axmed Daaci ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay dadweynaha ku nool degmadaasi oo uu tilmaamay in ay ciidamada kala shaqeeyaan amaanka degmada,  wuxuuna intaa ku daray in ay ciidamada la soo xiriiraan hadii ay arkaan wax ay ka shakiyaan.

Guddoomiye Axmed Daaci ayaa xusay in wadashaqeynta maamulka iyo bulshada degmadu ay lagama maarmaan u tahay sugida amaanka iyo horumarinta adeegyada kale ee bulshada, wuxuuna ugu baaqay dadweynaha reer Wadajir in ay sii kordhiyaan wadashaqeynta ay la leeyihiin maamulka iyo ciidamada amaanka isagoo.

Idale News Muqdisho