Qoryoley(INO) — Maamulka degmada Qoryooley ee gobalka Shabellada Hoose ayaa sheegay in muddo laba toddobaad ah ay waddooyinka soo gala degmada xiran yihiin, kaddib roobab xoog leh oo ka da’ay degmadaas iyo daafaheeda.
Guddoomiyaha Qoryooley, Maxamed X. Cismaan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in degmada ay ka taagan tahay xaalad adag oo dhanka nolosha ah, isla markaana xirnaanshiyaha waddooyinka ay sababeen inuu sare u kaco qiimaha raashinka lagu kala iibsado.
“Waddooyinka degmada Qoryooley soo gala muddo laba toddobad ah way go’an yihiin, waxaa ka da’ay roobab mahiigaan ah, dadka baadiyaha waxay soo mari jireen duurka, waxaa halkaas jaray roobabkii da’ay, qiimaha raashinkuna sare ayuu u kacay, maadaama aanay jirin meel ay soo maraan gaadiidka,” ayuu yiri Maxamed Xaaji Cismaan.
Sidoo kale, guddoomiyaha Qoryooley ayaa intaas ku daray in rajo-wanaagsan ay ka qabeen waddada Muqdisho soo aaddan, laakiinse taasina lasoo dhigay isbaarooyin badan.
“Toban isbaaro ka badan ayaa la dhigay waddada aan u aragnay in la mari karo oo biyo badan aanay oollin, taasna waxay keentay caqabad ah in shacabka ay degmada go’doon ku ahaadaan,” ayuu hadalkiisa ku daray Xaaji.
Ugu dambeyn, waxaa gobollo badan oo dalka ka mid ah ka curtay roobka xilliga dayrta, kaasoo biyo dhigay waddooyin muhiim u ahaa isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha.
Idale News Online, Qroyoley