Maamulka Degmada Marka oo cabsho ka ah Maleeshiyaadka ku sugan Magaalada Marka

0
222

Marka (INO)—Gudoomiye ku xigeenka Amniga ee Magaalada Marka, Cabdikariin Xuseen Xasan oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka dalbaday Dowladda Soomaaliya iyo Dowlada Koonfur Galbeed in laga qaadayo Ciidamada Maleeshiyaadka ee ku sugan Magaaladaasi Marka.

Cabdikariin Xuseen Xasan, Gudoomiye ku xigeenka Amniga ee Magaalada Marka ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in Magaalada la keenayo Ciidamo Boolis ah isagoona  carabka ku dhuftay in Dagaalada ku soo lab laabtay Magaaladaasi ay sabab u yihiin Maleeshiyaadka jooga Xarnta Gobolka Sh.Hoose.

Dhinaca kale, Guddoomiye ku xigeenka ayaa beeniyay in Dagaal beeleedyadii maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay halkaasi ay ka qeyb qaateen Ciidamo ka tirsan maamulka Magaalada Marka waxuuna tilmaamay in Weerarkaasi ay yihiin kuwa been abuur ah.

Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh.Hoose waxaa maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay Dagaal Beeleedyo khasaro geystay oo u dhaxeeyay labo Maleeshiyo Beeleed oo halkaasi wada degga.

Idale News Online, Marka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here