Maamulka degmada Jowhar iyo kan gobolka Sh/dhexe ayaa bilaabay olole nadaafadeed oo maalin walba oo khamiis ah ka dhici doona degmada Jowhar.
Boqolaal dhalinyaro iyo haween iyo dhalinyaro ah ayaa waxaa ay ka bilaabeen ololahan nadaafadeed xaafadaha ay ka kooban tahay degmada Jowhar.
Guddoomiyaha degmada Jowhar Maxamedamiin Cismaan Xaaji oo ka hadlay ololahan nadaafadeed ee maanta ka bilowday magaalada Jowhar ayaa waxaa uu sheegay in 7 maaro ay tahay maalinta Nadaafada degmada Jowhar.
Guddoomiyaha maamulka gobolka Sh/dhexe Cabdi Jiinow Calasow oo la hadlay qaar ka mid ah dadkii ka qeybgalay ololaha nadaafada ayaa waxa uu sheegay in maamulka gobolka Sh/dhexe uu diyaar u yahay in uu gacan ka siiyo shacabka inay ka shaqeeyaan horumarinta degmooyinka uu ka kooban yahay gobolka.
Cabdi Jiinow Calasow guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe ayaa ugu baaqay shacabka gobolka Sh/dhexe inay ku dadaalaan sidii ay uga shaqeyn lahaayeen howlaha adeegga bulshada ay u baahan yihiin.
Ololahan nadaafadeed ayaa waxaa laga dareemayay saaka magaalada Jowhar iyadoo inta badan goobaha ganacsiga la xiray.
Olole nadaafadeed ayaa ah kii ugu horeeyey oo noociisa oo kale ah oo lagu qabto magaalada Jowhar tan iyo markii ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen gacan ku haynta degmada Jowhar. Waxaana uu ololahahan ku soo beegmay iyadoo xilli roobaadka guga uu dhowaan bilaabanayo.
Idale News Muqdisho