Maamulka degmada H/wadaag oo kulan looga hadlayay xaalada ammaanka la qaatay waaxyaha degmadaasi.

0
228

Maamulka dagmada H/wadaag oo kulan yeeshay dhamaan masuulinta waxyaha iyo lamaha amniga iyo qar ka mid ah gudiyada xafadaha hostaga dagmadaasi ayaa diraada lugu saaray sii xoojin amniga dagmadaasi.

Kulankaan balaaran ay maanta xarunta dagmada H/wadaag ku yesheyn maamulka dagmadasi ciimada amniga iyo shacabka ku dhaqan dagmadasi ayaa ahaa mid dirada lugu saaray sidii loo xojinlahaa amniga dagmada

Kulankaan ayaa gobjogaa ahaa gudoomiyaha dagmada H/wadaag,taliye ku xigeynka dagmadaasi iyo gudiyada dhanka amniga kala shaqeya maamulka dagmaadsi waxa intabadan kulankaasi lugu lafa guray sidii shacabka ku dhaqan dagmada H/wadaag iyo mamaamulkaasi uwada shaqeyn lahaayeen

Ugu horeyn waxa kulankasi ka hadlay taliye ku xigeynka Saldhiga ciimada booliska Soomaaliya ee ka hol hagala dagmada H/wadaag ayaa sharaxaad ka bixiyay xalada amni ee dagmada waxa uu sheegay in qabka ay isaga kashan karaab shacabka ku dhaqan dagmada ay tahay in wada shaqeyn buxda la yeshaan ciidamada amniga qabilsan iyo shacabka ku dhaqan gudaha dagmaadaasi.

Sidoo kale waxaa kulankaasi isne hadal kooban ka soo jeediyay gudoomiyaha dagmada H/wadaag Max’ed Abuukar Cali Jacfar oo sheegay in marka hore loo bahan yahay shacabka ku dhaqan dagmada ay xil weyn iska saran sidii ay iskaashi iyo wada shaqeyn buxda ula sameyn lahayeen maamulka iyo dhaamn ciidamada amniga ka hol gala,waxaana uu qiray in dagmada H/wadaag ay tahay mid amnigeeda aad u sareyo.

Dhan kale gudoomiya ayaa ka warbixiyay hola nadaafaded ay ka wadaan qar ka mid ah wadooyinka gala suuqa weyn ee Bakaaraha, waxa uuna sheegay in iskooda isku abaabuleyn maamulka iyo ganacsato iskooda isku xil qaamay ay isla garteen iney bilicda dagmada sare u qadaan.

Kulankani ayaa waxaa uu ahaa mid inta badan maamulada degmooyinka gobolka Banaadir uu la qaato qeybaha iyo waxaayaha kala duwan ee degmadaasi iyo shacabka ku dhaqan is la isaga kaashado ammaanka iyo nadaafada degmo waliba.

Idale News Muqdisho