Maamulka Cibitaalka magaalada Baydhabo ayaa ka dalbaday dowlada iyo hay’adaha caafimaadka in ay ka caawiyaan dhinaca daawooyinka iyo qalabka caafimaadka si loola tacaalo bukaanada ku jira cisbitalkaasi, iyagoo sheegay in ay gabaabsi ku yihiin cisbitalka adeegyada caafimaadka.
Sanad ka hor markii magaalada baydhabo ee xarunta gobalka Bay laga saaray Maleeshiyaadka Alqaacidada Soomaaliya waxaa wax badan iska badaleen xaaladaha nolosha iyo amniga dadkaasi, waxaana magaalada ka bilawday ganacsi xoog leh iyo dib u dhis, iyadoo ay kusoo qul qulayaan ganacsato kasoo jeeda gobalka Bay si ay u hormariyaan gacansiga magaalada.
Waxaa kusugan Baydhabo ciidamada AMISOM gaar ahaan Burundi iyo Uganda iyo sidoo kale ciidamada dowlada, sugida amniga ayeyna si wada jir ah isaga kaashadaan, iyadoo ay jiraan ciidamo lagu magacaabo madani oo laga soo dhex saaray dadka deegaanka oo iyaguna habeenki roondooyin sameeyo.
Cisbitaalka Baydhabo waa halka Cisbitaal oo lagu daaweeyo guud ahaan dadka gobalka mana heysto daawo iyo qalab ku filan iyadoo waliba gacanta ay ku haayaan Cisbitaalka hay’ado ay ka mid tahay WHO.
Agaasimaha guud ee Cisbitaalka Baydhabo Cabdala Maxamed Buule ayaa sheegay in cisbitalku usan dabooli Karin baahida caafimaad ee bulshada ku nool isagoo ugu baaqay hey’adaha gargaarka iyo Jaaliyada Soomaaliyeed ee ka soo jeeda gobolkaasi in ay gacan ka geystaan horumarinta Cisbitalka.
Idale News Muqdisho