Maamulka Baraawe: “Al Shabaab waa laga saarayaa meelaha ay ka joogaan Magaalada Baraawe”

0
210

Baraawe (INO)—Gudoomiyaha Degmada Barawe Gobolka Shabeelaha Hoose, Xuseen Barre Maxamed Jeex oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu ka warbixiyay howlgalo militari  oo Sacadihii ugu dambeeyay ay ciidamada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya  iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya ka sameeyeen tuulooyin hoostaga Magaalada Baraawe.

Xuseen Barre Maxamed Jeex , Gudoomiyaha Degmada Baraawe ayaa xusay in howlgaladu ay ku qabsadeen tuulooyin horleh waxuuna intaasi ku daray in howlgaladu ay sii socon doonaan ilaa Al Shabaab laga saaro guud ahaa magaalada Baraawe.

Guddoomiye Xuseen waxa u hoosta ka xariiqey in ay damaanad qaadayaan ammaanka shacabka ku nool deeganada ay la wareegeen iyo hantidooda sida uu yiri

Sikastaba, Deegano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolka Shabelaha Hoose waxa mudooyiinkii dambe ka soconayay howlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka Gobolka iyadoona inta badan Al Shabaab ay weeraro ku qaadeen Fariisimo Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin Magaalada Baraawe ee Gobolka Sh.Hoose.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here