M/Waare oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Howlaha Guud ee XFS oo Jowhar Gaaray+Sawirro

0
194

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryeynta Dowlada Federalka Soomaaliya Eng Saadaq Cabdullahi Cabdi ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar.

Wafdigaan uu hogaaminayo Wasiirka Wasaarada howlaha Guud iyo Guryeynta Xukuumadda Soomaaliya Eng. Saadaq C/llaahi Cabdi ayaa waxaa caasimadda Hirshabeelle, kuwaasoo soo dhoweeyay Wasiiro,xildhibaano iyo Maamulka Gobolka Sh/dhexe.

Booqashada wasiirka Howlaha Guud iyo Guryeynta Dowlada Federalka ayaa lagu sheegay inay tahay qiimeynta baahida guud ee dib u dhiska Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdiga uu hogaaminayo wasiirka howlaha guud iyo guryeynta ayaa waxa ay ka wadahadleen sidii dib u dhis loogu sameyn lahaa wadooyinka iyo dhismayaashii dowlada ee ku yaal dowlad goboleedka Hirshabelle.

Wasiirka Howlaha guud iyo guryeynta dowlad goboleedka Hirshabelle Jaamac Xuseen Xaashi ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay booqashada wasiirka howlaha guud iyo guryeynta dowlada federalka uuna rajeynayo in dib u dhis lagu sameeyo deegaanada Hirshabelle.

Sidoo kale Wasiirka Howlaha guud iyo guryeynta dowlada federaalka Eng: Saadaq ayaa sheegay booqashada ay ku yimaadeen caasimada Hirshabele inay la xiriirto sidii qiimeyn loogu sameyn lahaa baahiyada ka jira.