M/Koofurgalbeed oo isku raacay in la qabto Doorashada Madaxweynaha Koofurgalbeed

0
214

dowlad goboleedka Koofurgalbeed Xildhibaanada Baarlamaanka Koofurgalbeed ayaa isku raacay inay  dhacdo doorashada Madaxweynaha Koofurgalbeed 17ka November ee sanadkan 2018-ka.

Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aaadan oo maanta dib ugu laabtay magaalada Baydhabo.

Xildhibaanada ayaa arrintan ku meel mariyay qaab gacan tag ah, 110 xildhibaan ayaa ogolaatay in doorashada November ay Madaxweynaha doortaan xildhibaanada Baarlamaanka, halka Saddex xildhibaan oo kaliya ay diiday.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koofurgalbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa hore waxaa u soo doortay Ergo iyo Oday Dhaqameed, waana Madaxweynaha kaliya ee dowlad goboleedyada oo  aysan soo  dooran xildhibaanada Baarlamaanka.