M/Gobolka Benaadir iyo Wasaaradda Waxbarashada XFS oo kala saxiixday heshiis ku saabsan Waxbarashada…

0
200

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Caasimadda Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan ( Eng. Yarisow) oo ka qeyb galayey munaasabad ay heshiis dhanka waxbarashada ah ku kala saxiixanayeen Maamul Gobolka iyo Wasaaradda Waxbarashada Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay dar-dar gelinayaan dadaallada horumarinta waxbarashada asaasiga ah ee gobolka.

Heshiiskan ayaa dhigaya in Maamulka Gobolka Benaadir lagu wareejiyo gacan ku heynta iskuulka 15ka May ee magaalada Muqdisho oo dhawaan dib loo furay.

Guddoomiyaha Gobolka ayaa tilmaamay in iskuulkan uu qeyb weyn ka soo qaatay waxbarashada kumanaan shacab ah oo ku dhaqnaa gobolka Benaadir xiigii Kacaankii haatanna dib loo furay kaddib dayactir iyo dib u habeyn lagu sameeyey.