Guddoomiyaha degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe Qaasim Cali Nuur ayaa ku tilmaamay weerarkii saaka ay ku soo qaadeen dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab inuu ahaa mid ay ku doonayeen inay burburiyaan buundada degmada Balcad balse ay ka difaaceen ciidamada ammaanka.
Qaasim Cali Nuur oo ay wareysatay idaacada Risaala oo kamid ah idaacadaha ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa beeniyay in la gubay xarumihii dowlada ay ku lahaayeen magaalada Balcad balse waxa uu sheegay in madaafiic ay ku dhaceen saldhiga Booliska iyo xaruntii degmada Balcad.
“Iyadoo ciidamadu ay howlgalo amni xaqiijin ah ka wadeen degmada Balcad ayay soo weerareen qeybta kale ee magaalada balse ciidamada dowlada waa iska caabiyeen.”ayuu yiri guddoomiyaha degmada Balcad oo la sheegay in xilligii uu weerarku dhacayay uu ku sugnaa magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha degmada Balcad Qaasim Cali Nuur ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin mar walba in ay difaacaan bulshada Hirshabeelle gaar ahaan kuwa degmada Balcad, wuxuuna shacabka ka dalbaday in ay la shaqeeyaan Ciidamada ammaanka.
Gelinkii dambe ee maanta ayay maleeshiyaadka Al-Shabaab isaga baxeen degmada Balcad waxaana halkaa gaaray ciidamadda dowlada