Shillin Soomaaliga ayaa waxa uu noqday wax aan qiimo lahayn, waxaana booskii shillin Soomaaliga galay doollarka Mareykanka oo guud ahaan dalka Soomaaliya isticmaalkiisu ku baahay.
Ganacsatadu waxa ay badeecooyinka ku soo iibsadaan lacagaha doollarka, mushaaraadka dowladdu bixiso iyo kan hay’aduhu bixiyaan waa doollar, shaqaalaha caadiga ah ee u shaqeeya ganacsatada mushaaraadkoodu waa doollar, inta badan lacagaha biilasha ee dadka dibadaha looga soo dhiibo waa doollar, Hoteellada, Baararka waaweyn iyo Super Marketyadu waxa wax looga iibsadaa, iyaguna ay adeegsadaan waa doollar, kaba sii darane miisaaniyadda dowladdu ansixisay waa doollar.
Dalku waa wada doollar, doollarkuna waxa uu noqday lacagaha badiyaaba laga isticmaalo Soomaaliya, marka dhanka kale laga eegana doollarku waa wax fudud oo Jeebabka iyo boorsooyinka lagu qaadan karo, qof kastana uu si fudud u adeegsan karo, dadka qurbaha ka yimid ee dalka ku soo qulqulayana waxa ay sitaan oo jeebabka uga buuxa waa doollar.
Dhammaan sababahaas iyo sababo kale oo fara badan ayaa waxa ay sababeen in doollarku uu ku bato dalka, lacagihii shillin Soomaaliguna yaraadaan, taasoo bedelkeedana aanay jirin lacago Kun kun cusub ah oo la soo daabacayo dalkana la soo gelanayo.
Haddaba su’aasha ah “Lacagaha shillin Soomaaliga ee xilligan sii qiima dhacaya dowladda iyo shacabku yuu dan u yahay, yuusana dan u ahayn” ayaa waxa ay jawaabtu noqonaysaa labaduba dan ayuu u yahay sababahan awgood:-
1. Dowladda oo awood u yeelanaysa inay lacago cusub oo sarifaad leh soo daabacdo.
2. Dowladda oo ay u sahlanaanayso inay si fudud lacagahaas ugu baahiso dalka oo dhan.
3. Shacabka ku dhiban lacagaha Kunkunka ee aan sarifaadka lahayn oo helaya lacago cusub oo sarifaad iyo shillimaad la adeegsado leh.
4. Shacabka oo si fudud ugu dhego nuglaanaya isticmaalka lacagahaas cusub, maadaama ay dhibsadeen lacagaha Kun kunka ee sii qiima dhacaya.
5. Lacagaha doollarka ee Bankiyada dowladda iyo qasnadaha ganacsatada ku xarooday oo lagu beddelayo lacagaha cusub ee dowladdu soo daabacayso.
6. Dowladda oo awood u yeelanaysa in sarifka ay xakamayso, Bankiyadeeduna shaqeeyaan.
7. Shaqsiyaadka sariflayaasha idman ah ee aan iyagu cidna ka amar qaadan, sababna u ah qiimo sabaynta sarifka oo meesha ka baxaya.
8. Goobo sarif gaar ah oo dowladdu sharciyeysay oo abuurmaya, sida kuwa caalamka ka jira oo kale.
9. Sariflayaasha sharciga noqonaya iyo Bankiyada dowladda oo xiriir xagga sarifka ka dhexeynayo.
10. Sarifka lacagaha qalaad oo noqonaya mid ay dowladdu majaraha u hayso oo aan faraheeda ka baxaynin.
11. Ganacsatada oo maciishadahooda ganacsiga noqonaya mid degan oo sicir go’an ku baxa, kaasoo la soconaya hadba inta qiimaha sarifku marayo.
12. Shacabka oo helaya kalsooni xagga qiimaha maciishadaha oo wax go’an noqonaya.
Intaas iyo in ka sii badan oo shacabka iyo dowladdaba faa’iido u ah marka la helo ayaa waxaa sumcad dhaqaale helaya dadka iyo dalka Soomaaliyeed, waxaana qiimo yeelanaya lacagaha shillin Soomaaliga oo noqonaya kuwo sharci ah oo aan la daabacan karin, iyadoo muhimaddu tahay lacagaha cusub ee dalka loo soo wado oo ku soo beegmaya xilli tii Kun-kunka ahayd ay sii daba gurmayso qiimaheeduna sii dhacayo, shacabkuna ay sii nacayaan.
Sida la ogsoon yahay Ganacsatada ayaa haatan awood gaar ah leh, hadbana waxa ay doonaan ka dhiga qiimaha sarifka doolarka iyo qiimaha lagu iibsado maciishadaha kala duwan, shacabkuna ay dhibsadeen waxa ayna ka faa’ideysteen jiritaan la’aanta Banki dhexe oo howlahaas qaabilsan iyo dowlad awood leh oo xakamaynaysa, balse la arki doonee waxa isbedela marka lacagaha cusub ee sarifaadka leh oo dowladdu soo waddo dhawaan dalka lagu baahiyo.
Idale News Muqdisho