Iyadoo ay soo badanaayaan dilalka qooleysata bistooladaha ku hubeyso ay geystaan, ayaa waxaa xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa lagu toogtay laba wiil oo dhallinyaro ah, kuwaas oo aan la garanayn sababta loo dilay iyo cidda dilkooda ka dambeysa. Goobjoogayaal ku sugan xaafadda Suuqa Xoolaha ayaa saxaafadda sheegay inay dilkan geysteen saddex dhallinyaro ah oo bastoolado ku hubeysan, kuwaasoo markii ay dilka fuliyeen goobta ka baxsaday.
“Dilku wuxuu noola muuqday mid qorsheysan, ma garan karno cidda ka dambeysay, balse waxaa dilka geystay dhallinyaro bastoolado ku hubeysan,” ayay tiri qof dumar ah oo ka mid ah dadka deegaanka, iyadoo intaas ku dartay in ciidammo fara badan ay degmadaas yimaadeen dilka kaddib.
Ciidamada dowladda ayaa qabqabtay dhallinyaro badan kaddib baaritaanno ay ka sameeyeen xaafaddii uu dilku ka dhacay, iyadoo tani ay qayb ka noqonayso dilalka qorsheysan ee ka dhacaya Muqdisho, kuwaasoo u muuqda inay soo kordhayaan.
Labadii toddobaad ee ugu dambeeyay waxaa degmooyinka Muqdisho ka dhacayay dilal qorsheysan oo ay geysanayaan rag bastoolado ku hubeysan, iyadoo dilalkaas qaarkood ay sheegatay Al-shabaab, sida dilkii xalay loo geystay xildhibaankii ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.
Degmada Huriwaa oo dhinaca Waqooyi ee Muqdisho ku taalla ayaa waxaa tan iyo markii ay Al-shabaab ka baxday ka dhacayay dilal qorsheysan oo ay geysanayaan rag bastoolado ku hubeysan, iyadoo Al-shabaab ay sheegatay qaar ka mid ah dilalkii ka dhacay xaafadda Suuqa Xoolaha.
Saraakiisha ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya iyo saraakiisha AMSIOM ayaa sheegaya inay sugi doonaan ammaanka magaalada Muqdisho, iyadoo ciidamada ammaanka dowladdu ay xalay howgallo dad badan lagu soo qabqabtay ka billaabay degmooyin ka tirsan gobalka banaadir.
Idale News Muqdisho.