Labo Ruux Oo Uu ku Jiro Ninkii Qarxiyay Buundada Qoryooley oo Gacanta Lagu Dhigay

0
241

Muqdisho(INO)— Wararka ka imaanaya degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in howl gallo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ka fuliyeen xaafadaha degmadaas lagu soo qabtay labo ruux oo la sheegay inay yihiin saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ciidamada oo wada socda ay howl gallo xiriir ah ka wadeen xaafadaha Qoryooley iyo deegaanada ku dhow dhow.

Guddoomiye kuxigeenka Amniga ee degmada Qoryooley Cabdi Axmed Cali ayaa warbaahinta u sheegay in howl gallo ciidamada fuliyeen lagu soo qabtay labo sarkaal iyo gaari yar.

“Howl gallo ciidamada ammaanka sameeyeen waxaa lagu soo qabtay labo nin oo mid ka mid ah uu ahaa ninkii qarxiyay Buundada Qoryooley, waxaa ku jira nin Al-Shabaab u qaabilsanaa Zakawaadka, waxaa qabanay baabuur runeyt ah oo zakawaadka ay ku qaadi jireen”ayuu yiri Guddoomiye kuxigeenka Amniga Cabdi Axmed Cali.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in howl galada ay sii soconayaan, isla markaana xaalada amni ee degmada Qoryooley ay tahay mid degan, isagoo xusay in shacabka ay kala qeyb qaataan sugida amniga.

Buundada Qoryooley ayaa la qarxiyay bishii hore ee September, xilli Al-Shabaab ay weerareen fariisin Ciidamada AMISOM ku lahaayeen deegaanka Janaalle, waxaana maamulka degmada Qoryooley ku eedeeyeen Al-Shabaab in gaari dameero waxyaabaha qarxa lagu soo raray ku qarxiyeen bartamaha Buundada.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here