Laba qarax oo ka dhacay xeebta Liido ee Magaaladda Muqdisho

0
218

Laba qarax ayaa ka dhacday baararka ku yaala xeebta Liido, waxaana qaraxyadaas oo kala dambeeyay daqiiqado la sheegayaa in midkood uu geystay qasaarooyin dhimasho iyo dhaawac fara badan.

Goob jooge ku sugan xeebta Liido ayaa sheegay in qaraxyada ay ahaayeen kuwi is miidaamin ah, iyadoo labada qarax midkood uu fuliyay ruux isku soo xiray walxaha qarxa.

Qaraxyada ayaa la sheegayaa in lala beegsaday dad iyagu u dabaal taga xeebta Liido, iyadoo waliba maalinta Jimcaha xeebta Liido ay tahay mid aad u mashquul badan oo xismada dadka ay si aad ah ugu badan tahay.

Dhinaca kale waxaa haatan socota baaritaano la xariira qasaaraha ka dhashay qaraxyada is miidaaminta ah, iyadoona ciidamo fara badan ay ku sii qulqulayaan goobaha ay qaraxyadaasi ka dhaceen.

Wixii warar ah ee ku soo kordha dib ayaan idiin kugu soo gudbineynaa.

Idale News Muqdisho