Cadaado(INO)— Kursigii ugu dambeeyay ee kuraasta Aqalka Hoose ee Maamulka Galmudug ayaa shalay gelinkii dambe lagu doortay magaalada Cadaado, kursigan uu ahaa mid ka mid ah kuraasta uu muranka ka taagnaa.
Kursigan oo ahaa kursiga Beesha Waceysle/Absuge ayaa waxaa ku soo baxday Sahra Cumar Maalin oo horay uga mid aheyd ururada bulshada rayidka, waxaana ay ka guuleystay haweeney lagu magacaabo Nimco Xasan Cabdulle oo tartanka ka tanaasushay.
Sahra Cumar Maalin ayaa kursiga ay ku soo baxday uu ahaa kursi la isku heystay cida qaadaneyso, iyadoo Suldaan Maxamed Cabdi Shiddo uu horay u soo saaray war saxaafadeed uu ku cadeynayo in kursigan aanu aheyn midka qoondada haweenka, sidaas darteed uu kursiga Beesha Cali Gaaf uu ahaa kan Haweenka loo qoondeeyay.
Hase ahaatee go’aanka Suldaanka ayaa waxaa ka soo horjeestay nabadoon ka mid ah beesha Waceysle ee ku jira 135-ta oday, kaasoo ku tilmaamay go’aankaas inuu yahay mid isaga u gaar ah, isla markaana aanu jirin go’aan guud oo beesha isku raacday.
Guddiga doorashooyinka Galmudug ayaa ka go’neyd in kursigan ay dhacdo doorashadiisa, isla markaana uu ahaa kursi ka mid ah qoondada haweenka.
Madaxweynaha Galmudug ayaa habeen hore xaflad ka dhacday Xarunta Madaxtooyada Cadaado ku shahaadooyin ku guddoonsiiyay Xildhibaanada labada Aqal ee lagu doortay Cadaado, waxaana Galmudug ay soo dhameystirtay kuraasta 36-da Xildhibaan ee ay ku leeyihiin Aqalka Hoose.
Maalintada Talaadada ee soo socota oo ay taariikhda ku beegan tahay 15-ka Bishan ayaa la filayaa in la dhaariyo Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka, iyagoo yeelanaya fadhigii u horeeyay, waxaa qorshuhu yahay in 22-ka bishan la doorto Guddoonka Baarlamaanka iyo 28-ka bishan oo la dooranayo Madaxweynaha.