Kulan wadatashi ah oo dhex marey ardeyda KGS ee Muqdisho wax ka barta iyo Xisbiga Isbedelka & Cadaalada (C&J Party)

0
225

Mogadishu (INO) – Kulan aqoon is waydaarsi iyo wadatashi oo ay soo qabanqaaniyeen ardeyda Koonfur galbeed ee wax ka barata dugsiyada sare iyo jaamacadaha magaalada caasimada ee Muqdisho ayaa dhex marey xisbi cusub oo dhowaan loogu dhawaaqey dalka laguna magacaabo Isbedelka & Cadaalada iyo qaar ka mid ah ardeyda koonfur galbeed ee Muqdisho ku nool.

Ujeedada uGu weyn ee kulankaasi ayaa ahaa sidii ay wada shaqeyn u dhaxmari laheyd ardayda ka soo jeedo gobolada koonfureed iyo xisbiga Isbedelka & Cadaalada. Waxaana halkaasi ka Hadley dad ka kala tirsan Xisbiga iyo ardeyda waxayna uGu dambeyntii isla garteen in hore loo dhaqaajiyo xoojinta isbedelka iyo sidii taageero buuxda xisbiga uga heli lahaa ardeyda ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya marka la gaaro xiliga doorashada.

Inkastoo aan la ogeyn sida dalka Soomaaliya ay doorasho uga dhici karto isla markaasna nidaanka xisbiyada badan ay xiliga uga suurtogali karo dalka, haddana waxaa jira in barlamaanku ansixiyey guddiyo madax banana oo ka shaqeeya arrimaha doorashada, federaaleynta & xuduudaha maamul goboleedyada iyo kan diyaarinta sharciyada iyo nidaamka axsaabta badan, kaasoo qaar ka mid ah aysan oqoonsaneyn sharci ahaantooda.
cjParty cjParty1 cjParty2 cjParty3 cjParty4 cjParty5 cjParty6 cjParty7 cjParty8 cjParty9 cjParty10

Idale News Online, Muqdisho.