Kulan Sogootin ah oo uu madaxweynuhu maanta la yeeshey Duubabkii Shirkii Roadmap-ka

0
236

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta waxa uu kulan la qaatey odeyaashii dhaqanka ee ka qeybta ahaa shirkii Road Map ee dhameystirka howlaha kala guurka Somalia. Kulan madaxweynuhu la yeeshey duubabka Soomaaliyeed oo ahaa sogootin ah oo odayaasha dhaqanka loogu sameeyey Xarunta Madaxtooyada Qaranka Soomaaliyeed, isla markaasna loogu sheegaayey in ay howshii laga lahaa ay dhamaadey. Madaxweynaha ayaa uga  mahad celiyey odayaasha dhaqanka shaqadii ay soo qabteen marxaladii kala guurka ee lagu ansixinaayey Dastuurka Cusub iyo weliba soo Xulista Barlamaanka Somalia.  Waxuuna Madaxweynuhu sheegey in dowladuna ay diyaar u tahay in ay geyso meelihii ay ka yimaadeen, diyaaradana lagu geyn doono goboladdii ay ka yimaadeen cidii iyadu sidaasi codsata.

Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka ee kulanka joobjooga ka ahaa ayaysan farxad gelin inay dib ugu laabtaan meelihii ay ka yimaadeen cabsi ay ka qabaan in la dhibaateeyo iyo in meelihii ay ku yimaadeen oo aan deganeyn. Hase yeeshee ayaa u aragta in inta badan gobalada dalka ay dowladdu maamusho isla markaasna aysan suurtogal aheyn in dhaqaale aan loo baahneyn lagu bixiyo odayaasha si ay u sii joogaan.

Intii ay socotey soo xulista barlamaanka cusub ayaa odayaashaasi qaarkood waxaa lagu eedeeyey in ay laaluush iyo is daba marin ay ku kaceen iyagoo lacag ka qaatey siyaasiyiin beelahooda ka soo jeeda, ka dibna uga baxey balamihii ay la galeen. Halka kuwa kalena ay nin jecleysi iyo eex ku kaceen intii ay ku guda jireen soo xulista barlamaanka.

Odayaasha ayaa Madaxweynaha cusub ka filaayey in uu siiyo balanqaad ah iney helaan dhamaan tasiilaadka ay u baahan yihiin ama ay ku sii joogi kartaa inta ay iskood u go’aansanayaan inay meelihii ay ka yimaadeen dib ugu laabtaan. Balse dowladda ayaa sheegtey in aysan dhaqaale ay ku sii haysto dowladda aysan haynin, sheegay in ciidamadii qaranka iyo shaqaalihii dowladda loo la’ yahay.

Dowlada Soomaaliya ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa looga fadhiyaa in dalka uu ku soo dabaalo nidaam ka duwan qaabka ay dowladaan hadda ku timid, 4ta sano ee soo socotana looga fadhiyo in ay diyaariso doorashooyin xor ah oo dadka ay soo doortaan masuuliyiintooda taasoo looga gudbaayo waxqeybsiga qabiilka iyo odayaasha beelaha.

Kulanka ayaa waxaa kale oo joob joog ka ahaa Prof Maxamed Cismaan Jawaari, gudoomiyaha Barlamaanka, Abdiweli Gas, Ku simaha Ra’iisul Wasaraha, wasiiro, xildhibaano iyo marti sharaf kale.

Xafiiska Warqabadka Idale News Muqdisho
Siyaad Macalin Axmed idalenews@yahoo.com