Kulankan ayaa intii uu socday iskaashatooyin kala duwan oo ka socday xoogsatada waxey ku eegeen sida ay lagama maarmaanka u tahay in laga faa’ideysto shirkadaha iyo Dowladaha dalka u imaanaya iney maalgashi ku sameystaan taasina ay tahay mid lagama maarmaan ah in laga faa’ideysto maadaama uu dalku hada cagaha ku hayo dhabihii dib u dhiska.
Bilaal Maxamed Cumar oo ka mid ah Xoogsatada gobolka Banaadir oo markii uu kalankooda soo gebageboobay la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in kulankooda uu ku saabsanaa sidii ay xoogsatada gobolka Banaadir uga faa’ideysan lahaayeen dib u dhiska Dalka maadaama ay Dowladdo badan doonayaan iney Dalkeenna maalgashi ku sameeyaan.
Mudooyinkii ugu dambeeyey kulamada noocaan ah ee looga arinsanayo sidii looga faa’ideysan lahaa maalgashiga dalka ay ku sameynayaan hay’addo iyo dowladdo daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa waxey si isdaba joog ah uga dhacayeen magaalada Muqdisho ayadoo arintanina ay qeyb ka tahay sida ay xiligan qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ugu soo wada jeesteen dib u dhiska iyo hormarka Dalkooda
Idale News Muqdisho