Kulan looga hadlayay maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka oo Muqdisho lagu qabtay

0
252

Kulankaan looga hadlayay doorka ay dowladda Soomaaliya ka qaadaneyso maamul u sameynta gobollada jubbooyinka oo ay ka qeybgaleen mudaneyaal ka tirsan baarlamanka Soomaaliya, siyaasiyiin iyo waxgarad kasoo jeeda gobollada jubbooyinka ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa laga soo saaray baaq ku aadan in dib loo dhigo shir  ay iclaamiyeen masuuliyinta mamaulka KMG- ah ee Kismaayo iyo in dowladda Soomaaliya ay qaadato hogaanka maamul mideysan loogu sameynayuo gobollada jubbooyinka sida uu sharaxayo C/qaadir Cusmaan Cali Shiddo oo kamid ah kaqeybgaleyaasha kulanka.

Sidoo kale C/qaadir Xaaji Maxamed Suldaan oo isna ka hadlay kulanka ayaa ka codsaday dowladaha caalamka in ay dowladda Soomaaliya usoo maraan dedaal kasto oo ay ku tageerayaan maamul u sameynta jubboyinka si loo helo maamul cadaalada ah oo ay u simayihiin beelaha deegaanka ku wada nool.

Ka qeybngaleyaasha kulanka ayaa sidoo kale soo jeediyay in Maamul ay dadka deegaanka raali ka wada yihiin loo sameyo jubbooyinka iyadoo dowladda Soomaaliya ay horay u shaacisay in maamul ay dadku soo doorteen u sameyn doonto Gobollada jubooyinka iyo guud ahaan gobollada kale ee dalka.

Idale News Muqdisho