Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho qaadan doonto afar cisho ay shaley uga bilaabatey dalka Turkiga ayaa maanta waxaa kulan la qaatey dhigiisa dalka Turkiga magaalada Xarunta Dalkaasi ee Ankara.
Kulanka ka hor ayaa Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxuu salaan sharaf kaga qaatey banaanka xarunta madaxtooyada ee Ankara cutubyo ka tirsan ciidanka dalkaasi, waxuuna ugu dambeyntii madaxweynuhu shir gooni ah la qaatey Madaxweynaha dalka Turkiga Mudane Cabdullah Gul, oo marar badan soo qabtey xilka wasaarada arrimaha dibada ee Turkiga.
Labada Madaxweyne ayaa si gaar ah uga hadlay siyaasada iyo ammaanka, isagoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu uga mahadceliyay Turkiga taageerada hagar la’aaneed ee ay la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyed.
Madaxweynaha ayaa isla maanta galinkii dambe laga yaabaa in uu u gudbo magaalada 2aad ee dalkaas ahna magaalada ugu weyn ee Turkiga ahna xarunta ganacsiga dalkaas ee Istanbul, isagoo halkaasi kulan uu ku dhexmari doono Ra’iisul Wasaaraha dalka Turkiga Mudane Recep Tayip Erdogan.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u kicitimi doona magaalada Istanbul, si uu halkaas ula kulmo Ra’iisul Wasaaraha Turkiga Recep Tayyib Erdogan
Idale News Ankara.