Abuja(INO)— Kooxda Boko Haram ee horay ugu biirtay Daacish ayaa soo bandhigay sawiro muujinaya warshad sameysa hubka sameysa, gaar ahaan gantaalada.
Warshadan ayaa la sheegay inay ku taall waqooyi bari ee dalka Nigeria, halkaasoo kooxdu si aad ah ugu xoogan tahay.
Sawiro la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya dagaalyahano ka tirsan Boko Haram oo sameynaya gantaalo iyo hub kale.
Waxaa la rumeysan yahay in kooxdu si aad ah u isticmaasho qoriga loo yaqaano Baasuukaha ama RBG, kaasoo aan la ogeyn halka uu uga yimaado.
Biro la jarayo ayaa loo adeegsadaa agabka madaafiicda la sameynayo oo ah sidii nuuc gantaalkii oo kale ah, waxaana ay u muuqdaan kooxda inay farsamo ahaan garanayaan qaabka hubka loo sameeyo.
Mid ka mid ah qalabka ay isticmaalayaa kooxdan waxaa ka muuqda magac la soo gaabiyay oo ah dugsiga Farsamada dowladda ee Bama (GTCB).
Ciidamada dowladda Nigeria waxay horey u qabsadeen deegaano badan oo kooxda ay maamuleysay, laakiin Boko Xaram weli waxay qaadeysaa weeraro isdaba jog ah oo ay si gaar ah uga fulinayaan gobolka Borno oo Bama ay ka tirsan tahay.