Koob Ciyaareed oo loogu magacdarey Shaati-guduud Cup oo ka bilowdey Baydhabo+ Sawirro

0
238

Ispotiga Gobalka Baay oo Mudooyinkii u dambeeyey uu gaabis ahaa ayaa haatan dib u bilowdey waxaan lagu bilaabey Horyaal loogu magacdarey Shaati-gaduud Cup oo ah hogaamiyihii Gobalada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo dhawaan geeriyoodey Aas Qaran loogu sameeyey Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobalka Baay.

Ciyaaraha haatan ka bilowdey Magaalada Baydhabo ee Gobalka Baay ayaa ah kuwo jawi qurxoon ku bilowdey waxaana sidoo kale Magaalada Baydhabo siweyn looga dareemey Ciyaaraha bilowdey waxaana bulshada Reer Baydhabo ay siweyn u soo dhaweeyeen Horyaalkan loogu magacdarey Shaati-gaduud Cup oo Halyeeygii Koonfur Galbeed Soomaaliya oo dhawaan Geeriyoodey.

Horyaalkan loogu magacdarey Shaati-gudud Cup waxaa Ciyaaraya 12 Kooxood oo ku kala baxaya Neg-Aawt (neck-out) sida ay noo sheegeen Gudiga Isportiga Gobalka Baay iyo kan Degmada Baydhabo. Gudoomiyaha Isportiga Gobalka Baay Daahir Maxamed Macalin (Samaraano) ayaa sheegey in Horyaalkan haatan ay bilaabeen ayna ugu magacdareen Halyeey Shaati-gudud uu yahay mid ay ka fikireen oo keliya Gudiga Isportiga Gobalka iyo Degmada islamrkaasina aysan jirin cid ay taageero ka haysataan hadey ahaanlahey Hay’ada, Maamul iyo shaxsiyaad balse Gudiga Sportiga Gobalka iyo kan Degmada Baydhabo ay garteen in ay din u bilaabaan Ciyaarihii Gobalka

Wuxuu sidoo kale Daahir Samaraano uu Sheegey in Horyaalkan haatan bilowdey ee loogu magac darey Shaati Cup ka sokow ay jiri doonaan Ciyaaro kale ama Horyaalo kale oo ay ku xusi doonaan Halyeeyadii ama Shaxsiyaadkii magaca ku lahaa bulshada Gobalada Koonfur Galbeed degta Waxaana bilowga Ciyaartan ama Cupkan loogu magac darey Shaatigadud Cup Garoonka kubadda cagta ee Dr Ayuub Stadiom soo buuxdhaafiyey dadweyne aad u fara badan oo ciyaarta u soo daawasho tagey kuwaasi oo miijinaya in ay ku faraxsan yihiin ciyaaraha Gobalka oo dib u bilowdey iyo waliba Horyaalkan loogu magac darey Shaati-gudud Cup.

 

Idale News Muqdisho