Baydhobo (INO) — Waxaa marba marka kasii danbaysa sii xoogeysanaya, oo Cirka isku sii shareeraya Khilaafka u dhaxeeya Madaxweyniyaasha Shariif Xasan Sheekh Aadan & Axmed Madoobe.
“Sharciga dalka uu ku dhaqmo waxaa dejiya oo ilaaliya ku dhaqankiisa Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, sidaasi darteedna waa inuu saxaa Khaladka ka jira Baarlamaanka Jubbaland,” ayuu yiri MD Shariif Xasan.
Wuxa uu sheegay Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan in Axmed Madoobe uu uga baxay Heshiis qarsoodi ahaa iyo Mid banaanka yaaley, oo Awood qeybsi ku tilmaamay, kaasi oo ay ku gaareen Kismaayo xilli uu booqday horaanta sanadkan.
“Waxaan ku heshiinay Aniga & Axmed Madoobe in Baarlamaanka Jubbaland lagu saleeyo sida Beelaha ay u kala degaan, uguna kala badan yihiin Gobolada Jubbooyinka & Gedo, balse taasi wuu ka baxay, marka Baarlamaaka Federaalka waa inuu Howshiisa qabsadaa,” ayuu raaciyay Hadalkiisa MD Shariif Xasan.
Axmed Madoobe, oo isna hadlay ayaa ku tilmaamay Shariif Xasan Qof isagoo soo jeeda riyoonaya, islamarkaana suurtagal noqon doonin in Maamulkiisa kala tashto Shariif Xasan qaabka loo dhisayo Baarlamaanka Jubbaland.
Idale News Online – Xafiiska Baydhabo