Khilaaf Maamul oo u dhexeeye Madaxweyne Xasan iyo Ra’iisul Wasaare Saacid oo magaalada Muqdishu hareeyey

0
238

Khilaaf lagu sheegey in uu salka ku haayo maamulka iyo maareynta dhaqaalaha yar ee dowlada ka hesho dekada iyo airport Muqdisho ayaa ka dhex aloosan madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

In kastoo aan weli si cad aysan labada Masuul uga hadlin, haddana waxaa gudaha dowlada iyo taageerayaasha labada dhinac ay si cad uga hadlayaan khilaafka jira, isla markaasna la sugaayo furitaanka kalfadhiga 2aad ee barlamaanka iyo soo noqoshada guddoomiyaha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari oo hadda booqasho rasmi ah ku jooga dalka Ethiopia.

Warar hoose oo dhanka dowlada ah ayaa sheegaaya in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud aad uga caroodey lacag kor u dhaafeysa  hal milyan oo Dollar oo Ra’iisul Wasaare Saacid Shirdoon  kharash gareeyey muddadii dhowr iyo tobanka cisho aheyd ee uu Madaxweynuhu dalka dibada uga maqnaa,  iyadoo ciidankii iyo shaqaalihii kale ee dowlada ay mushaar la’ yihiin in  dhowr bilood ah.

Sidoo kale, waxaa isna la sheegaayaa inuu jiro khilaaf xaga maamulada gobollada dalka oo ay ku kala aragti duwan yihiin Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaruhu taasoo  xiriirka iyo wada shaqeyntooda hoos u dhigtey.

Waxaa xusid mudan in dowladihii kmg ahaa ee dalka soo marey ay la degeen isqabqabsi iyo khilaafyo dhexdooda ah oo keeney in dowlada deriska iyo beesha caalamka soo farageliyaan,  hase ahaatee dowladdaan Federaalka Soomaaliya la sheegaayo in gudoomiyaha barlamaanku aad u  daneynaayo in isbedel dhab iyo xisaabtaan joogta ah lagu sameeyo dhanka xakuumada iyo Madaxtooyada, sidoo kalena la sheegey inuu aad u daneynaayo in khilaafka maamul ee dowlada ka dhex jira lagu dhameeyo gudaha barlamaanka iyadoo aan loo baahan gacan sedexaad ama shisheeye, si looga hortago in la curyaansho shaqada dalka iyo dadka Soomaaliyeed loo haayo.

 

Xafiiska Warqaabadka IdaleNews Muqdisho