Laascaanood ( INO)-Wasiirka Warfaafinta maamulka Khaatumo Axmed Xaaji Cali oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Maamulka Soomaaliland ay duulaan ku soo qaadeen deegaanno hoostaga maamulka Khaatumo.
Meelaha Ciidamada Soomaaliland ay soo weerareen ee Wasiirka Warfaafinta Khaatumo uu carabaabay waxaa ka mid ah deegaanada Widh Widh iyo Ceegaa ee Gobolka Sool.
“ waxa ay sitaan Ciidamadaasi Soomaaliland Sanaadiiqda cod bixinada kuwaas oo ay ku dooneyso in sandullo ay doorasho uga qeyb galiso shacabka Khaatumo” sidaas waxaa yiri Wasiirka Warfaafinta maamulka Khaatumo.
Tallaabadaan ayuu sheegay Wasiirka Warfaafinta maamulka Khaatumo in Soomaaliland ay uga golleedahay in Beesha Caalamka ay kaga hesho kalsooni kana dhaadhiciso in Doorasho xor ah ay qabatay.
Indhawaanahaan ayaa waxaa sidoo kale Gobolka Sool ka taagnaa xiisado dhexeeyay maamullada Soomaaliland iyo Puntland.
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay