Nairobi ( INO)-Madaxweynaha Dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa waxuu u sheegay Mareykanka in Ciidamada Kenya iyo Wadamada kale ku yaalla Geeska Afrika ay Ciidamadooda ka soo saari doonaan Dalka Soomaaliya markii la gaaro Sanada 2018-ka.
Kulan ka dhacay Magaalada Nairobi ayaa Madaxweyne Kenyatta waxuu ka sheegay in Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay horumaro ka gaareen Dagaalka ay kula jiraan Xarakada Al Shabaab oo ka socda Dalka Soomaaliya.
Madaxweyne Kenyatta ayaa sidoo kale waxuu qeexay in Ciidamada ka socda Dalalka Burundi, Uganda, Kenya and Ethiopia in ay isaga soo bixi doonaan Dalka Soomaaliya.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu cod dheer ku sheegay Madaxweynaha Dalka Kenya in loo baahan yahay tayeynta Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed.
Hadalka Madaxweynaha Dalka Kenya ayaa waxuu imaanayaa xili Magaalada Nairobi uu booqasho ku yimid Xoghayaha Arrimaha Dibadda Dalka Mareykanka John Kerry, kaasi oo kulamo kala duwan la qaatay Madaxda Dowladda Kenya.