Kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya oo saaka furmaya iyo Madaxweynaha oo furaya

0
235

Waxaa saaka lagu wadaa inuu furmo kalfadhigii labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo socotay qaban qaabada xaflada furitaanka oo ka dhici doonta Dugsiga sare ee Booliska Jeneraal Kaahiye, halkaasoo ammaankeeda si aad ah loo adkeeyay.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa todobaadkii hore iclaamiyay in 2-da March oo maanta ku beegan uu furmi doono kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka, markii uu soo idlaaday kalfadhigii koowaad.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furi doono kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka, isagoo ka jeedin doona khudbad uga hadlayo xaaladihii u dambeeyay ee dalka iyo waxyaabaha dowladdiisa u qabsoomay mudadii lixda bilood ay jirtay.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa khudbad ka jeedin doono kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka.

Laakiin waxaa jira tilmaamo laga bixinayo habka uu ku furmayo kalfadhiga oo ah inuu noqdo saddex meelood labo meel inuu kalfadhiga ku furmo, hase ahaatee waxaa la soo warinayaa in aanay Muqdisho ku sugneyn tiro intaa la eg, maadaama ay fasax ku maqan yihiin.

Wararka qaar ayaa sheegaya in laga yaabo in kalfadhiga kooram la’aan ku furmo, ama ay adkaato inuu si qal qiil ku furmo, hadii aanay dhicin in maanta Xildhibaanada maqan ay dalka ku soo xaroodaan gelinka hore ee maanta.

Si kastaba ha ahaatee kalfadhiga labaad ee Baarlamanka ayaa hadii uu maanta furmo baarlamaanka uu geli doonaa howlo culus oo aad u xasaasi ah, iyadoo labadii bilood ee Baarlamaanka fasaxa ku maqnaa ay socdaan shirar gaar gaar ah oo ka dhacayay magaalada Nairobi.

Idale News Muqdisho