Waxaa maanta ka dhacay magaalada Bosaso Mudaaharaad ballaaran oo ay isugu soo baxeen In kabadan 400 oo dadweyne ah
Mudaaharaadka ayaa yimid kadib markii mid kamid ah Xisbiyada Puntland looga dhawaaqey uu ka bilaabey meel ku dhaw isbitaalka Puntland diiwaan gelin, Dhalinyaro diidan barnaamijka dowladda Puntland ayaa waxaa mar quraha laga war helay Tuuryo iyo wadooyinka qaar oo xirmay kadib markii halkaasi ay isugu yimaaden dad kasoo horjeeda Dhismaha Xizbiga
Dadka isugu soo baxay Mudaharadka ayaa ku qeylinaayay Eray kadhan ah Maamulka C/raxmaan Faroole waxa ayna carabka ku cel-celinaayen Dooni meyno nidaam cusub oo xil lagu raadinaayo
Maamulka talada Gobolka haaya oo u muuqdey mid la socdey in banaanbaxu dhacayo ayaa subaxnimadii hore ee saaka soo dhoobey dariiqyada magaalada Ciidamo ku gaashaaman gawaarida dagaalada
Si kastaba ha ahaatee dadkii isugu soo baxay Mudaharaadka ayaa kasoo horjeeday Dhismaha Xisbiga uu dhawaan ku dhawaaqay Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Faroole, waxaana halkaasi maamulka Faroole uga soo ifbaxay in Shacabka Puntland aysan u dhaga-nugleyn maamulka waqtigiisa dhamaaday ee uu hogaanka u haayo Faroole.
Idale News Muqdisho


