Kaawo ku duntay dad xoogsato ah oo sababtay dhimasho iyo dhaawac

0
250

Hal ruux ayaa ku geeriyooday mid kalana waa uu ku dhaawacmay kadib markii kaawo laga qodo dhagaxa ay ku soo duntay.

Kaawadan oo ku taal duleedka bari ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa u gurmaday dadweyne faro badan iyo koox ka socotay dowlada Turkiga.

Dadaal kadib ayaa lagu guuleystey in mid ka mid ah dadkii ay kaawada ku duntay la badbaadiyo halka mid kalana uu ku geeriyooday.

Xoogsato faro badan ayaa dhibaatooyin ay ka soo gaaraan kaawooyinka ku soo duma iyadoo dhimasho iyo dhaawacba ay kala kulmaan dadka xoogsatada ah.

Inta badan raga Kaawada qoda ayaa kala kulma dhibaatooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawaca marka xiliyada qaar ee kusoo dunto kaawada ee qodayaan.

Idale News Muqdisho