K/Saddexaad ee Baarlamaanka oo furmi doona 10-ka Bishaan

0
219

Guddoonka Golaaha Shacabka ayaa shaaciyay in 10-ka Bishaan uu si rasmi ah u furmi doono kalfadhiga Saddexaad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Sooomaaliya oo ka kooban Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka.

Xoghaayaha Guud ee Golaha Shacabka C/kariin Xaaji Cabdi Buux oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in 10-xubnood oo ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka loo xilsaaray diyaarinta munaasabadda furitaanka fadhiga Baarlamaanka oo dhici doonta 10-ka Bishaan.

Waxyaabaha ugu waawayn ee haatan horyaala Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah, Arrimaha doorashooyinka, Dib u eegista Dastuurka dalka, Sharciga Jinsiyadda dalka iyo arrimo kale.

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa sida sharciga ah si rasmi ah u furi doona kalfadhiga Saddexaad ee Baarlamaanka Soomaaliya.