Jen. Muungaab Oo Loo Magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaalada

0
202

Muqdisho(INO)- Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Jen. Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” ayaa loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caddaalada Soomaaliya.

Jen. Muungaab oo wararku qaar sheegayaan inuu safar ugu maqan yahay dalka dibadiisa ayaa xafiiska Ra’iisul Wasaaraha warqad kasoo baxday loogu magacaabay Wasiiru Dowlaha Caddaalada.muungaab-007
Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” oo hore loogaga qaaday xilka guddoomiyaha iyo duqa magaalada Muqdisho ayaa maalmahan warar la isla dhex marayay ay sheegayeen in loo magacaabayo xil wasiir.

Lama oga inuu aqbali doono iyo in uu la socdo magacaabida loo magacaabay xilka wasiiru dowlo, maadaama xiliga ka harsan jiritaanka ay tahay wax aad u yar.