Jen. Mungaab oo sheegay in Saraakiil u xiran yihiin dambiilayaal ay sii daayeen

0
210

Gudoomiyaha Maxkamada ciidamada qalabka sida Jen. Xasan Maxamed Xuseen (Mungaab) ayaa sheegay in saraakiil ka tirsan dowladda ay u xiran yihiin dad dambiilayaal ay sii daayeen, isagoo ku hanjabay in Maxkamad la soo taagi doono.

Jen. Mungaab ayaa digniin u diray saraakiisha ku howlan inay sii daayaan dadka dambiilayaasha inay ka waantoobaan, isagoo xusay inay booskooda geli doonaan oo ay la kulmi doonaan ciqaab adag.

“Waxaa uga digayaa saraakiisha ku howlan sii deynta kuwa dambiilayaasha ah, ciqaab adag ayayna muteysan doonaan, waxaa lagu bedelayaa booskooda waana loo dilayaa”ayuu yiri Jen. Mungaab.

Jen. Mungaab ayaa sheegay in la fulinayo amarka Madaxweynaha, kaasoo ahaa in cidii qof dambiile ah xabsiga ka soo deyso booskooda uu geli doono, waxaana uu tilmaamay inay baaritaano ku socdaan saraakiil lagu tuhunsan yahay inay dambiilayaan sii daayeen.

Shalay ayay aheyd markii labo askari iyo sarkaal ay Maxkamada ku fulisay dil toogasho ah, kadib markii ay horay dilal ugu geysteen askar iyo dad shacab ah.

Idale News Muqdisho