Jeesow: “Baarlamaanku Wuu Ka Xoog Badanyahay Maamul Goboleedyada”

0
205

Muqdisho (INO) – Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah Mudaneyaasha Baarlamaanka ayaa sheegay in uusan Jirin Maamul Goboleed ka xooggan Baarlamaanka Dalka, Axmed Madoobe iyo Kooxda Kaambooni ayuuna sheegay in Meesha laga saari doono haddii aysan Mooshinka u Hoggaansamin.

Teaser Image Jeesow: “Baarlamaanku wuu ka Xoog Badanyahay Maamul Goboleedyada”

Hadalka Mudanaha ayaa Imaanaya iyadoo uu Baarlamaanka hortiisa Mooshin ka yaallo Kooxda Kaambooni iyo Hoggaamiye Axmed Madoobe, waxaana uu Xildhibaanku Carrabka ku Adkeeyay in aysan Muddadii ay doontaba ha qaadatee ka hari doonin habka uu isu Daba marinayo dadka iyo deegaanada Jubbooyinka Horjooge Axmed Madoobe.

Wasiirka Arrimaha Gudaha C/raxmaan Odawaa oo dhowaan Baarlamaanka looga yeeray ayaa sheegay in uusan ka hadli doonin Arrimaha Axmed Madoobe oo uu Aaminsanyahay in uu yahay Hoggaan Jabhadeed.

Wasiirku waxaa uu dhaliilay Madaxda sar-sare ee Dalka oo uu Aaminsanyahay in Axmed Madoobe  ay Awood gaar ah siinayaan, taasoo ah mid aan loo Dulqaadan karin, dalkana aan ku hageyn habka Hiigsi ee Sanadka Dambe.

Idale News  Online -Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here