Dowladda Japan ayaa Safiir u soo magacawday Soomaaliya, iyadoo si rasmi shaaca uga qaaday in dhowaan Safaaraeeda ka furaneyso magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta Madaxtooyada kaga gudoomay Safiirka Japan waraaqihiisa aqoonsiga.
Dowladda Japan ayaa ka mid tahay dowladdaha Soomaaliya toos ula xariira, waxaana ay Soomaaliya ku bixisay ilaa qarash dhan $200 milyan si Soomaaliya nabadda dib loogu soo celiyo.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in ilaa 20-dal ay Soomaaliya u soo magacaabeen Safiiro, isla markaana kuwa kale ay soo magacaabi doonaan, taasoo uu ku tilmaamay inay ka dambeysay dadaalka iyo horumarka dhinaca amniga ee la gaaray.
Munaasabada waraaqo gudoonsiinta ayaa waxaa goob joog ka aheyd Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibada Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan.
Safiirka Japan u fadhin doona Soomaaliya ayaa sheegay inuu ka shaqeynayo wixii hada ka dambeeya xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Japan.
İdale News Muqdisho