Jahwareer xoogan ayaa ka taagan qiimaha maciishada oo wali halkeeda taagan yahay, iyadoo doolarka uu maalinba maalinta ka dmabeysay uu hoos u dhaceysa, waxaana arrintan ay saameyn ku yeelatay dadka dan yarta ah.
Qiimaha lagu sarifo doolarka ayaa hoos u dhacii ugu xooganaa muddo tobanaan sano ah ku yimid, iyadoo arrintan wali dowladda aysan go’aan cad ka soo saarin, marka laga reebo inay Gudi us aartay.
Xaaladaha jahwareerka ee uu dhaliyay qiima dhaca doolarka ayaa sababay inay maciishada waxba iska bedelin, waxaana Shiling Soomaaliga noqday mid suuqa ku yaraaday, taasoo sabab u ah hoos u dhaca doolarka.
Daqiiqadihii u dambeeyay ayaa waxaa doolarka lagu sarifayay $100 lacag dhan (1,600 oo shiling Soomaali), waxaana haatan doolarka u muuqdaa saddex meelood mid labo meel uu hoos u dhacii ugu xooganaa ku yimid.
Ganacsatada Sarifka ayaa ku andacoonaya in qiimaha sarifka oo maalinba uu hoos u dhacayo ay sabab u tahay Shiling oo yaraaday, iyo Suuqa oo soo galay doolar badan.
Qoyska dan yarta ee awal biilan jiray maalinta wax ka yar hal doolar ayaa haatan waxba u goyn, waxaana haatan qiimaha doolarka qarka u saaran yahay inuu gaaro 10-kun shiling Soomaali oo aan dhameyn barka bariis ama baasto ee maqaaxidaha lagu iibiyo.
Saameynta ayaa noqotay mid guud ahaan taabatay qoysaska ku kala nool nolosha dabaqada sare, mida dhexe iyo tan hoose.
Dadka ku xeel dheer arrimaha dhaqaalaha iyo ganacsiga ayaa sheegaya in saameynta dhaqaale ee dalka ka jira ay u gogol xaareyso sicir barar ku yimaada maciishada iyo noloshii dabaqada dhexe oo meesha ka baxda.
Idale News Muqdisho