Waxaa xaalad jahwareer ah uu ka taagan yahay qiimaha lagu sarifo lacagaha doolarka Mareykanka, kaasoo maalmihii u dambeeyay noqday mid aan sal fadhiya laheyn, iyadoo walaac badan laga muujiyay arrintan.
Saddex maalmood ee u dambeeyay ayaa doolarka waxaa uu ahaa mid maalinba maalinta ka dambeysa uu hoos ugu dhacayay qiimihii maalinta hore lagu sarifayay, waxaana taas ay keentay in Ganacsatada sariflayaasha uu walaac ku beero.
Inkastoo sarifka uu hadba maalin uu hoos u sii dhacayo, waxaa waxba iska bedelin qiimaha raashinka qutul daruuriga, waxaana muuqda sicir barar ka dhalanaya qiimaha hoos u sii dhacaya ee doolarka, maadaama qiimihii raashinka lagu iibinayay uu sidiisa yahay.
Mid ka mid ah ganacsatada sariflayaasha ee Suuqa Xamar weyne oo aan maanta la kulanay ayaa inoo sheegay in qiimaha hoos ugu dhacay doolarka uu keeni karo xaalad qatar ah oo soo wajaha dadka Soomaaliyed ee biilasha dibada looga soo diro.
“Maalintii doraad waxaan doolarka ku sarifeynay boqolka doolar lacag dhan Labo malyan boqol iyo kotan, shalay waxaa sarifeynay labo malyan iyo todobaatan, maantana waxaa maqleynaa hal malyan iyo sagaal boqol iyo sideetan”ayuu yiri Axmed Cabdiraxmaan oo ka mid ah Ganacsatada Sariflayaasha.
Sidoo kale ganacsatada raashinka qutul daruuriga ayaa sheegay inay qasaare ku qabaan hadii ay iibiyaan qiimo aan aheyn kii horay ay badeecadaha ugu soo iibsadeen, maadaama doolarka uu hoos u sii dhacayo.
“Aniga raashinkan wuxuu igu fadhiyaa labo malyan iyo labo boqol iyo kontan kun, sidaas darteed aniga ma ogolaanayo inaan qasaaro labo iyo kontan kun, waana sababta aan qiimihii aan horay ugu soo qaatay u iibinayo”ayuu yiri Ganacsade magaciisa ku soo koobay Cabdi.
Arrimaha loogu aaneynayo hoos u dhaca doolarka ayaa waxaa ka mid ah doolarka oo magaalada ku soo batay, halka shiling Soomaaligi uu noqday mid suuqa laga waayay, waana tan keentay jahwareerka.
Ganacsatada qaar ayaa ku eedeynaya Qurba-joogta inay sabab u yihiin ihoos u dhaca doolarka, isla markaana lacago badan ay dalka la soo galeen, iyagoo iibsanaya guryaha iyo gawaarida.
Ganacsatada ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay soo fara geliso xaaladaha jahwareerka dhaliyay ee ku aadan qiimaha sarifka doolarka hoos u dhaca ku yimid, waxaana tani ay qarka u saaran tahay inuu sicir barar ka dhasho.
Tan iyo markii bur burkii dowlad dhexe waxaan jirin meel dhexe oo loogu yimaado qiimaha sarifka doolarka iyo raashinka, iyadoo Ganacsatada lagu eedeynayo in hadba waxay doonaan ay ku saleeyaan qiimaha sarifka doolarka oo ah kan wax lagu iibsado, dhaq dhaqaaqa ganacsiga dalkana uu u yahay fure.
FG: qiimihii saddexdii maalmood ee uu sabeynayay doolarka ayaa waxaa ka mid ahaa (Doraad 2,150, 000 000, Shalay 2,070, 000 000, Maanta 1,980, 000 000)
Idale News Muqdisho