Jaamacada Carabta oo taageeray in la qaado cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya

0
269

Jaamacada Carabta ayaa taageertay in la qaado cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, xilli dowladda Soomaaliya ay aad ugu ololeyneyso.

Shir Baarlamaanka Jaamacada Carabta ku yeesheen magaalada Qaahira ayaa loogu baaqay Golaha Ammaanka inay qaado cunaqabateynta hubka.

Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka Baarlamaanada Jaamacada Carabta ayaa soo jeediyay inay la taageero sidii cunaqabateynta hubka looga qaadi lahaa Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa loo arkaa mid dabada ka riixeysa sidii Golaha ammaanka uu cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya u qaadi lahaa.

Golaha ammaanka ayaa todobaadkan la filayaa inuu go’aan ka qaado cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, kaasoo sanadii 1991-dii lagu soo rogay.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku doodeysa in la qaado cunaqabateynta hubka, si ay awood ugu hesho in dib loo dhiso Ciidamada ayna u helaan qalabeyn.

Idale News Muqdisho