Isku aadka koobka Qaarada Afrika 2013 oo la shaaciyey

0
257

Isku Aadka koobka qaramada Afrika ee 2013, ayaa Xalay lagaga dhawaaqay magaalada Durban, Ee Waddanka Marti galanaya Ee South Africa, iyadoo ee nasiib u yeesheen inay ka qeyb galaan 16 Xul oo goor hore usoo baxay Isreerb-reebki Koobkani iyadoo wadamo Libaax ka ahaa Afrika Ee ku hungoobeen inay jartaan ticketka Koonfur Afrika.

Kadib marki lagu dhawaaqay Qaabka ee isku wajihi doonaan Group-yadaa la sameeyay oo ka kooban afar Group, ayaa durbadiba waxaa loo caleema saaray Group-ka dhimashada Group D, oo kuwada jiraan Ivory Coast, Togo, Tunisia, iyo Algeria.

Xulka marti galinayo koobka Qaramada Afrika 2013, Ee South Afrika ayaa Group A, kula biirtay Xulalka Cape Verde, Morocco iyo Angola, waana Xulal aan la dhayalsan Karin qatartooda ku aadan Koobkani, Waxaa farta lagu fiiqayaa Group B, oo u muuqada mid xiiso gaar ah leh kadib marki madaxa la isku galiyay Xulalka Ghana, Mali ,Niger, iyo Dr Congo. Halka Group C, ee foodda isdari doonaan Xulka Nageria oo loo sadaalin karo inuu wacadaro ka dhigo Koobkani waxeyna is haleeli doonaan Zambia, Burkino Faso iyo Ethiopia.

Ugu danbeyntii, Koobka Qaramada Afrika oo marti galinayo Xulka lagu naaneso Bafana Bafana ayaa bilaaban doona 19ka Januery ilaa 10ka Februery 2013 Hadduu EEBE raali ka noqdo. Qaabka Ee iskugu haleeli doonaan 16 Xul Ee u safri doono Magaalooyinka marti galnaya Koobka Ee South Africa.

Group A: South Africa, Cape Verde, Morocco, Angola. Group B: Ghana, DR Congo, Niger, Mali. Group C: Zambia, Burkina Faso, Ethiopia, Nigeria. Group D: Ivory Coast, Algeria, Tunisia, Togo.

Idale News Nairobi Kenya