Iska hor imaad xalay ka dhacay duleedka degmada Afgooye

0
190

Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ayaa sheegaya in iska hor imaad u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab uu xalay ka dhacay duleedka degmadaas, kaasoo geystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Iska hor imaadkan ayaa ka dambeeyay markii Xoogaga Al-Shabaab ay weerareen fariisin ciidamada dowladda ku lahaayeen meel 6-KM u jirta degmada.

Mas’uul u hadlay maamulka degmada Afgooye ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerarkaas, isla markaana hal qof oo rayid ah uu ku dhintay, labo kale oo mid askari ahaa uu ku dhaawacmay.

Sidoo kale mas’uulka u hadlay maamulka ayaa sheegay in dhinaca Al-Shabaab ay jiraan qasaare ay gaarsiiyeen, hase ahaatee aanu cadeyn.

Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah mudooyinkii u dambeeyay ku qaadayay fariisimaha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin qaar ka mid ah gobolada dalka.

Idale News Muqdisho